Danjire Cawaale Ali Kulane oo kusoo biiray loolanka Ra’iisul wasaare

Iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga filayo inuu soo magacaabo Raysal Wasaare karti leh oo hogaamiya Xukuumada cusub, ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya ololaha iyo hardanka ay ugu jiraan shaqsiyaad kala duwan hanashada jagadaasi Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Amb. Cawaale Cali Kullane oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo doonaya inuu ka mid noqdo shaqsiyaadka u sharaxan jagadan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Amb. Cawaale Cali Kullane oo ka soo jeeda beesha Habargidir, gaar ahaana Sacad, uu doonayo inuu noqdo shaqsiga beesha Habar-gidir ay u sharxeyso jagadan, maadaama uu yahay shaqsi khibrad dheer u leh nidaamka dowliga ah, uuna soo qabtay xilal kala duwan oo dowladda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyey.

Sidoo kale waxaa jira shaqsiyaad kale oo ka soo jeeda isla beesha Habargidir, gaar ahaana Ceyr ay hardan ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen, waxaana shaqsiyaadkaasi ka mid ah Amb. Yuusuf Garaad Cumar oo isaguna ah Safiirka Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Cabdinaasir Cabdulle oo isna ahaa musharax madaxweyne doorahada 2017 ayaa isaguna ka mid ah xubnaha dadaalka ugu jira sidii ay u heli lahaayeen jagadan Raysal Wasaaraha, inkasta oo uu yahay dhaqtar dhanka Ilkaha (Dentist), muddo ka badan 30 sano uu ka maqnaa dalka, isaga oo ku noolaa dalka Mareykanka, mana jiraan jagooyin hore oo u ka soo qabtay dowladdii dhexe iyo dowladdihii dambe, mana lahan khibrad dowladeed.

Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa isagu la soo shaqo bilaabay Xukuumadii Raysal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde), isaga oo ahaa La-taliyaha siyaasada ee Raysal Wasaaraha, isaga oo sidoo kale la soo shaqeeeyay Xukuumadii Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxa uuna ahaa Agaasimaha Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Sidoo kale, waxa uu noqday Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee China, ahna Siihayaha (Charde affairs), waxaana uu ahaa muddo 3 sano ah, waxaana markii dambe loo wareejiyay Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Q/midoobay UNHQ New York , waxaa sidoo kale sanadkii 2015ka ahaa Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee U.S.A dalka mareykanka , ahna Siihayaha (Charde affairs), waxaa dabadeed noqday safiir ahna ku xigeenka Safaarada Soomaaliya ee Q/midoobay UNHQ new York isaga oo markii dambe sanadkii 2016-kiina loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo dhowaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay.

Jagada ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku loolamay dhammaan beelaha Hawiye, gaar ahaan Mudullood, Habar Gidir, Murusade iyo Xawaadle