3 sifo oo la yaab leh una gaar ah madaxweynihii hore ee Uganda Idi Amin Dada

Kampala (Caasimadda Online) – Idi Amin Dada wuxuu ahaa madaxweynihii dalka Uganda intii u dhexeysay 1971 illaa 1979kii, si kastaba ha ahaatee, ninkaas oo heystay diinta Islaamka wuxuu leeyahay seddax xaqiiqo oo ka qarsan inta badan dadka u dhashay Africa kuwaasoo si gaar ah loogu xusuusto.

Seddaxdaas xaqiiqo ee uu uga duwan yahay madaxweyne kasta oo Africa ah ayaana idinla wadaagi doonaa. Adigoo xisaabta ku darsanaya inuu Dada geeriyooday sannadkii 2003dii.

  • MA OGTAHAY?

Sannadkii 1977dii, markii ay Britain xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Uganda, Amin wuxuu isku tilmaamay inuu yahay ninkii guuldarrada u xambaariyey Britain sababtoo ah wuxuu magaciisa ku lifaaqay xarfaha ‘CBE’ – kuwaasoo u taagan Conqueror of the British Empire.

Wixii intaas ka dambeeyey Radio Uganda ayaa wuxuu go’aansaday inuu bannaanka soo dhigo waxyaabaha sida gaarka ah loogu lifaaqo magacyada Dada. Waxaana la xaqiijiyey inay ka mid yihiin Excellency President for Life, Field Marshal Alhaji Dr. Idi Amin Dada, VC, DSO, MC, CBE iyo billado aysan jirin cid ku abaalmarisay.

Dhirirkiisu wuxuu ahaa 193 cent meter ama si kale haddii loo dhaho 6 feet iyo 4 inches, wuxuu ahaa nin dheer oo xoog badan isla markaana uu jirkiisu dhisan yahay.

Dada wuxuu kusoo guuleystay suunka Ugandan Light Heavyweight Boxing Champion oo uu ku helay ciyaaraha feerka intii u dhexeysay 1951dii illaa 1960kii, sidoo kale wuxuu ahaa shaqsi ku wanaagsan ciyaaraha dabaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com