Shirkada NADAAFADA ee ECCO oo wasaqeysay bartamaha Muqdisho (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Sida xooga ah loogu wareejiyay Nadaafada magaalada Muqdisho ee ECCO ayaa wasaq badan iyo qashin ay ka qaaday magaalada Muqdisho waxay ku daadisay xaafad ka tirsan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Sida sawirada ka muuqata gaadiidka yaryar  ee shirkada ayaa qashinka ku daadinaya barxada ku taala agagaarka Shineemo Africa, oo dad ay ag degen yihiin, waxaana muuqata masuuliyad darada maamulka shirkada.

Waxaa muuqanaysa inay dad deegaan ah hortooda ay buux dhaafiyeen qashinka ay guri kastaa oo Muqdisho ku yaala kaga qaateen min 10 doolar bishii.

Maamulka oo aan isku daynay inay arimahaan ka hadlaan ayaa ka gaabsaday.

Hoos ka daawo sawirada