Xildhibaanada soo saaray Farmaajo oo hadda dareemaya qiimahooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa dhibaato kala duwan kala kulmay soo saarida Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo kadib markii ay jahwareeriyeen dadka shacabka ah.

Dadka shacabka ah ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho ku qabsanaaya Xildhibaanada iyagoo mahadcelin usoo jeedinaaya kadibna ka dalbanaaya inay wadagalaan sawirro.

Xildhibaanada ayaa walaac ka muujinaaya in waddooyinka qaar ay ka mari la’ yihiin shacabka oo taageerada Madaxweynaha u muujinaaya maadaama lasoo saaray shaqsigii ay doonayeen.

Xildhibaanada ugu badan ayaa waxa ay arrintaani ku qabsatay Fagaaraha Daljirka Dahsoon, iyadoo halkaasi aad ku arkeyso Xildhibaano dhowr ah oo sawirro la galaaya Shacabka, halka qaarna ay ku jahwareerinayaan Hambalyo.

Xildhibaanada isbedel doonka labada Aqal ee dalka ayaa isku baheysaty soo saarida Madaxweyne Farmaajo, iyadoo shacabka Soomaaliyeed soo saaridaasi ay ku sheegen mid Guul ah.

Dhinaca kale, Xildhibaanada isbedel doonka ayaa inbadan ka duwan kuwii hore waxa ayna yihiin kuwo ujilicsan Shacabka, halka kuwii hore ay ka ahaayen kuwo ka fogaada shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com