26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Kacdoon ka dhan ah Saciid Deni oo dhacay iyo Puntland oo qaaday tallaabo lagu ciqaabayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada amniga Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku xiray dhallinyaro lagu eedeeyay inay hormuud u ahaayeen abaabul mudaharaad.

Kacdoonkan ayaa salka ku hayey waxqabad la’aanta maamulka Puntland iyo cabasho ka dhan ah xannibaadda saaran mashaariic horumarineed oo Dowladda Federaalka ugu talo gashay gobolka Mudug.

Tallaabadan lagu xiray dhallinyarada ayaa muujinaysa sida maamulka Puntland uga fal-celiyay dareenka kasoo yeeray qeyb ka mid ah bulshada deegaanka. Waxaana lagu fasiray tallaabo lagu ciqaabayo dhalintii hor boodeysay kacdoonka.

Dhallinyarada la xiray ayaa la sheegay in lagu qabtay garoonka cayaaraha ee Cawaale, xilli ay halkaas dadweynaha ku oogayeen salaadda Ciida. Wararka ayaa sheegaya in dhallinyaradu wateen boorar ay ku qornaayeen baahiyaha jira iyo cabashooyinka ay wateen, iyagoo doonayay in ay codkooda gaarsiiyaan shacabka ku sugnaa goobtaas.

Tan ayaa ahayd isku day ay ku doonayeen inay bulshada ugu sheegaan dareenkooda ku aaddan xaaladda maamulka iyo mashaariicda horumarineed.

Amarka lagu xiray dhallinyaradan ayaa la sheegay in uu bixiyay maamulka gobolka Mudug. Maamulka ayaa sidaas sameeyay si loo joojiyo abaabulka mudaharaadka oo ay dhallinyaradu ku adkaysatay inay qabanayaan.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay arrinta ayaa sheegay in aysan ahayn waqti ku habboon in mudaharaad laga sameeyo magaalada.

Wuxuu ugu baaqay bulshada deegaanka inay muujiyaan deganaansho, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara xasilooni darro.

Dhanka kale, maamulka gobolka Mudug ayaa dhowaan sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay kiciso bulshada. Waxay si gaar ah u eedeeyeen dhallinyarada abaabulaysa mudaharaadka, iyagoo ku andacooday in abaabulkaasi uu dabada ku hayi Dowladda Federaalka.

Sida ay sheegeen, waxaa jira qorshe lagu doonayo in qalalaase laga abuuro magaalada Gaalkacyo, taas oo ay sheegeen inay uga hortegayaan si waafaqsan sharciga.

Si kastaba, xariga dhallinyarada ayaa banaanka keenaya culayska iyo dareenka bulshada ee la xiriira xaaladda adeegyada iyo horumarka gobolka, iyadoo maamulka Puntland uu fadhiid ka noqday dhankaas.

- Advertisement -

Read more

Local News