Kacdoon xooggan oo ka socda gobolka Amxaaradda kadib is-casilaadii Mekonnen

Bahir Dar (Caasimada Online) – Kacdoon xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ka socda gobolka Amxaaradda ee dalka Ethiopia.

Dibad-baxyada maanta ayaa imanaya xilli uu saaka xilka iska casilay ra’iisul wasaare ku-xigeenkii ahaana wasiirkii arimaha dibadda Ethiopia Demeke Mekonnen, kaasi oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020-kii.

Waxaa la arkayay muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke, kuwaas oo raasaas ridaya.

Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay uga soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo shacabka Itoobiya ee hadda diidan xukunkiisa.

Sidoo kale bulshada Amxaaradu waxay dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dal.

Ethiopia ayaa waxaa xilligaan ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasi oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Is-casilaada Mekonnen ayaa sidoo kale imaanaysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa, ayna Soomaaliya uga adkaatay Ethiopia dhanka diblumaasiyadda iyo taageerada caalamiga ah.