Sidee ayay Soomaalida uga fal-celisay is-casilaada ku-xigeenka Abiy Ahmed?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen ayaa is-casilay oo baneeyay jagadan, taasi oo dadka ka fal-celiyay ay kamid ahaayeen Soomaalida.

Mekonnen ayaa sidoo kale ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Abiy Axmed, wuxuuna xilka hayay tan iyo bishii November 2020-ka.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley, hase yeeshee waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Ethiopia ayaa waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Is-casilaadaasi ayaa sidoo kale imaanaysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo la sheegay in Ethiopia loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Haddaba, Sidee ayey Soomaalida uga fal-celisay arrintaan?

Cabdullaahi Aadan Maxamuud: “Masha Allah waa war aad u fiican Ilaahey ha isku diro cadowga Soomaaliyeed.”

“Waxaa wacnaan laheyd inuu yiraahdo Soomaaliya darteed ayaan isku casilay,” ayuu yiri Xasan Salaad Cabdalla.

Ibraahim Cabdiraxmaan Xasan: “Ethiopia waxay u muuqataa inuu burburi doono Abiy Axmed ee madaxda Soomaaliyeed istiraajiyad ha ka sameysato qul-qulka qaxootiga Ethiopia ee soo socda iyo midka hada waddanka jooga.”

Caraboow Cali ayaa sidoo kale waxa uu hiri “Waa fashilmeen waana laga raayay siyaasad ahaan, ciidan ahaana waan ka raayneynaa.”

“Waan soo dhaweyneynaa is-casilaada anaga Itoobiya wax naga dhaxeeya maleh hadeey darisnimo soo dhaaftay,” ayuu yiri Cabdirisaaq M. Abdullahi.

Yaasiin Nuux Saleebaan: “Itoobiya waa burburtay waxay qaaday wadadii Soomaaliya ee 1991-kii. Meesha waxaa ka soo socda masiibo Afrika saamayn xun ku yeelan doonta. Bal suuree 5 million oo qaxoonti ah oo Soomaaliya soo galay?.”

Daahir Cmar Xasan ayaa isna waxa uu yiri “Waa soo dhawaynaa is-casilaadiisa waxan is leeyahay Ethiopia oo isku dhex yaacda waa daawada Soomaaliya.”