Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka duulaya dhaqan-galka amarkii uu dhawaan bixiyey ee hagaajinta adeegyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa maanta mar kale kormeeray qeybaha garoonka iyo gaar ahaan goobihii uu amray in la hagaajiyo.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in maalintii uu garoonka booqday 14 maalmood ka hor iyo maanta uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya isla markaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.
“Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda garoonka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan imid maanta garoonka iyadoo mashiinadii ay shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ay socoto shaqadeedu”.
Mudane Xamza ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shaqeeyo hagaajinta system-ka qabooojiyaha garoonka diyaaradaha iyo in biya macaan ay helaan dadku, isagoo muddo hal toddobaad ah u qabtay shirkadda garoonka maamusha.
Laba asbuuc ka hor siduu ahaa xaalka garoonka?
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdii Bare ayaa dhawaan kormeer kedis ah ku tegay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasi oo dadweynaha si weyn uga deyriyeen nadaafadiisa.
Meelaha laga soo cawday ayaa waxaa kamid ah musqulaha garoonka oo la sheegay in dayac badan uu ka jiro, iyadoo kulankii dadweynaha ee uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha loogu gudbiyay cabashooyin la xiriira garoonka Aadan Cadde.
Xamza oo indhaha soo saaray waxyaabaha ay ka cabanayeen shacabka, ayaa maamulka garoonka ku canaantay fadeexadda taagan, isagoo faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.
Meelaha laga soo cawday ayaa waxaa kamid ahaa musqulaha garoonka oo la sheegay in dayac badan uu ka jiro, iyadoo xoogeystay dareenka shacabka ee ka cabanaya in la horumariyo adeegyada garoonka Aadan Cadde, si wax looga qabto adeeg xumo iyo nadaafad darrada baahsan ee ka jirta gudaha garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha oo markaas soo indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha garoonka, ayaa la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha howsha waday oo uu kala hadlay fadeexadda taagan, isagoo amray inay wax ka beddalaan adeegga ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu markaas faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku soo laaban doono garoonka muddo laba toddobaad gudahood ah, taas oo ku beegnayd maanta, isagoo haatan qiray in uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya markii hore ee uu yimid iyo maanta, isla markaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.
















