Xildhibaanadee dhab ahaan ah barakacayaal siyaasad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, oo dadku badi u yaqaanaan Xasan Firimbi, ayaa shalay qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay kuwo barakacayaal ku ah magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa dhibsaday ereygaas, kadibna waxaa laga codsaday Xildhibaan Xasan Firimbi inuu raalligelin ka bixiyo ereygaas, waana bixiyey.

Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay: Barakacayaal siyaasadeed ma ku jiraan baarlamanka Soomaaliya?

Inta aadan “Haa” ama “Maya” midna dooran, aan qeexno micnaha barakac, kadibna aan ku dabaqno xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya maanta.

Ereyga barakac waxaa loo adeegsadaa muwaadin dalkiisa weli jooga, balse ay duruufuhu ka soo eryeen deegaankii uu ku dhaqnaa.

Barakac waxaa keeni kara duruufo amni, dhaqaale, ama kuwo siyaasadeed. Waa in aad deegaankaaga ku laaban karin oo ay duruufuhu ka hor istaagayaan.

Marka siyaasadda Soomaaliya lagu dabaqo, waxa barakacayaal siyaasadeed noqonaya xildhibaan walba oo aan tegi karin deegaan doorashadiisa.

Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland, waxaa jira deegaano badan oo weli ay haystaan argagixisadu, xildhibaannana ay ku metelaan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo lagu doorto deegaano kale.

Xildhibaankaas ay dhulkiisa argagixisadu haysato, deegaankiisa ma tegi karo, lagamana soo dooran karo, wuxuuna barakac siyaasadeed ku yahay deegaan kale oo kursigiisa la dhigay.

Si taas la mid ah, xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ma tegi karaan deegaankooda, lagama ogola calanka iyo dowladnimada Soomaaliya, doorashana kama soo geli karaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ku nool in ka badan 1 milyan oo barakacayaal ah. Haddii muwaadiniinta kale loogu yeero barakac, xildhibaanka aan deegaankiisa tegi karin lagana soo dooran uu dhibsado ereygaas, waxay ku fahamsiinaysaa sida ay siyaasiyiinta Soomaalidu isku dhaafinayaan waaqica dhabta ah.

In xaqiiqda laga caroodo waxaa ka muhiimsan in laga doodo sida loo afjari karo barakaca nololeed iyo midka siyaasadeed ee haatan ka jira Soomaaliya.