Kadib dilkii CABDINAASIR Dahable, R/W XAMZA oo soo rogay amar deg-deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay ka hadlay geerida Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo xalay meydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir.

Xamza ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka, isaga oo faray hay’addaha amniga in si deg deg ah baaris dhab ah ugu sameeyaan kiiskaan.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha faray inay gacanta kusoo dhigaan dhagar-qabayaasha ka dambeeyey dilkii Cabdinaasir Dahable oo ahaa masuul ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isla maamta kulan la qaatay masuuliyiinta sare ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda duulista tayidka Soomaaliyeed.

Xamza ayaa masuuliyiintan ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen muddooyinkii u dambeeyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta hay’adda duulista hawada, si buu yiri loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray.