Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka reer Hiiraan oo haatan ku jira dagaal culus oo ay ku cidlaysay dowladda dhexe, ayaa maanta waxaa soo gaartay saanad ciidan oo muhiim ah.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka guddoomay Dowlad-deegaanka Soomaalida saanaddan ciidan oo loogu talagalay in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.
Saanaddan oo lagu keenay dhowr gaari oo xamuul ah, waxaa la wareegay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, iyo mas’uuliyiin kale. Munaasabadda wareejinta deeqdan ayaa ka dhacday degmada Feerfeer oo ku taalla xadka.
Inkasta oo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa ay saanaddan ka kooban tahay, haddana maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Dhankooda, mas’uuliyiinta Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay garab istaagga shacabka gobolka Hiiraan oo haatan dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku baaqay in si wadajir ah loola dagaallamo kooxdaas.
Saanaddan ciidan ayaa imanaysa xilli uu gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Maxaas uu ka socdo abaabul xooggan oo lagu dardar-gelinayo dagaalka kooxda Al-Shabaab oo dhawaan qabsatay magaalada Moqokori, oo ah magaalo istaraatiji ah.
Si kastaba, dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay inay hoos u dhigtay doorkeeda dagaalka, isla markaana ay mudnaanta koowaad siisay arrimaha siyaasadda.