25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Kadib heshiiska, Xasan oo mucaaradka haray u cadeeyay in uusan aqbali doonin in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay heshiiska siyaasadeed ee uu maanta la gaaray xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo dhawaan ka baxay Madasha Samatabixinta.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn bogaadiyay xubnaha mucaaradka ee la gaaray is-fahamka, isagoo sheegay in labada dhinac uu mid walba soo bandhigay aragtidiisa, isla markaana la qaatay halka ay ku jirto maslaxada umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan bogaadinayaa qeybta ka tirsan Madasha Samatabixinta ee maanta nala qaatay hagaajinta iyo toosinta sowlad dhiska dalka. Arrintaas waxaa loo arkay in maslaxada iyo wadajirka umadda ku jirto, mana aha mid qof gaar ah loogu daneynayay ama looga soo horjeedo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaana dadka Soomaaliyeed u sheegayaa in Dowladda Soomaaliya albaabadeeda wada-xaajoodka ee u midowga dowlad dhiska uu furanyihiin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay inay la fariisato xubnaha kale ee mucaaradka ee ka aragti duwan, isagoo rejo wanaag ka muujiyay in heshiis guud oo loo dhan yahay la gaaro.

“Heshiis siyaasadeed ayaa la gaaray, waxaana rajeynaynaa in ay nala aqbalaan (siyaasiyiinta maqan) ama haddii kuwa kale ay wax ka qabaan jiraan soo bandhigaan. Inta dhiman in aan sii wadno rabnaa illaa laga gaaro hadafka u dambeeya.”

Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Soomaaliya lagu hayo meesha ay taagan tahay, isla markaana ay tahay inay hore u socoto, taas oo ula jeedo in hanaanka doorashooyinka dalka la gaarsiiyo mid dadweyne.

“Nidaam gaar ah oo caalamka nala ogeyn ma waxayn karno. Waa in aan qaadno tallaabooyin hor leh si dowladnimada Soomaaliyeed ula mid noqoto dowladnimada caalamka ka jirta,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News