Kadib tallaabadii uu qaaday baarlamanka, hal arrin oo la gudboon Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

Xeerkan oo ay aad u diidanayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay shalay isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa waxay imaaneysa xilli madaxda sare ee dalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo guddoonka labada Aqal ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqeen in dib loo dhigo arrimaha wax ka beddelka dastuurka.

Sida muuqata looma joojin soo jeedimaha maalmihii dambe ka imaanayay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kal hore uu madaxweyne Xasan kula jiray isbaheysiga siyaasadeed.

Inkasta oo waqtigan lagu jiro oo lagu soo duulay madax-banaanidii dalka, argagixisana dagaal lagula jiro ay aheyd in arrimaha dastuurka gadaal loo dhigo, si aan loo sii kala dhantaalin dareenka mideysan ee dadka Soomaaliyeed, haddana waxaa muuqata in madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa aysan dib u dhigeyn arrintaan.

Marka ay arrin halkaasi joogto waxay qabaan dadka sida dhow ula socda arrintaan in madaxweynaha la gudboon tahay hal arrin oo ah “in uu raadiyo midnimo siyaasadeed.”

Xasan ayaa laga rabaa in uu xaliyo tabashooyinka Puntland iyo mucaaradka qaar ee wax ka beddelka dastuurka uga dhex jeeda dano shaqsi ah, sidoo kalena la sameeyo wacyi-gelin bulsho oo xooggan oo la xiriirta arrimaha dastuurka.

Haddii aan dhinacyadaas loo dhago nuglaanin oo aan daruufaha jira la aqbalin waxay dadka faallooda siyaasadda Soomaaliya aaminsan yihiin in wax walba oo la mariyo aanay sharciyad badan heli doonin, dhaqan-gelintoodana ay mustaqbalka adkaan doonto, tii oo dhinaca kale sababi karta buuq siyaasadeed hor leh iyo kala qeybin bulsho.