Dib ugu laabashadii Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb kadib, maxaa socda?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii markale ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa halkaan deganaa labaddii bilood ee lasoo dhaafay, laakiin labaddii asbuuc ee u dambeysay ayuu halkaan kasoo maqnaa, wuxuuna intaasi haleelaya laba shaqo oo muhiim u ah dagaalka, kuwaasi oo kala ah;

1. Ciidankii ku maqnaa Eritrea

Xasan Sheekh wuxuu dhowr iyo tobankii cisho ee lasoo dhaafay ee uu ka maqnaa Dhuusamareeb, kusoo guuleysatay inuu dalka kusoo celiyo ciidankii tababarka ugu maqnaa Eritrea.

Wallow ay jiraan ciidan weli ku harsan dagaalkaas oo tababar dheeraad ah uu u socdo, haddana ciidanka yimid ayaa muhiim u ah dib u curashada dagaalka.

Wuxuu madaxweynaha ciidankaas kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, wuxuuna u sheegay in laga sugayo fulinta ballantii ay u qaadeen qarankooda oo aheyd inay difaacan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidankaas siiyay hal bil oo fasax ah oo ay waalidkood ku booqdan, kahor inta ayna ka qeyb-galin la-dagaalanka argagixisada .

2. Sahminta wejiga labaad ee dagaalka

Midda labaad ee madaxweynaha soo qabtay intuu ka maqnaa Dhuusamareeb waa sahminta wejiga labaad ee dagaalka.

Wuxuu tegay Koonfur Galbeed, wallow siyaasiyiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed ay u arkaan socdaalkaas mid uu ku dhimayay cadaadiska haysta Lafta-gareen, oo uu sharciyadiisa ku adkeynayay.

Haddana dhinaca kale kooxda madaxweynaha waxay sheegayaan in la sahmiyay Koonfur Galbeed iyo wejiga labaad ee dagaalka, taasina ay aheyd muhiimadda koowaad ee socdaalkii madaxweynaha ku tegay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

• Ku laabashada Xasan ee Dhuusamareeb

Ku noqoshada Xasan Sheekh ee magaalada Dhuusamareeb waxay kusoo aadeysa waqti xasaasi ah oo dadka Soomaaliyeed sugayaan dhameystirka wejiga koowaad ee la-dagaalanka argagixisada.

Halkaan intii uu madaxweynaha ka maqna wax dagaal ah lama qaadin, marka laga reebo hal mar oo ay argagixisada soo weerartay deegaanka Burujeed, taasi oo ka dhigan in dagaalka uusan dhaqaaqi karin haddii uusan Xasan dhaqaaqin.

Ciidan xooggan oo dowladda federaalka ah ayaa labaddii asbuuc ee lasoo dhaafay kusii qul-qulayay deegaanada Galmudug. Waxa kale oo dhamaad ah dib u habeyntii lagu waday ciidankii furimaha kasoo baxay, kuwii fasaxa ku maqna iyo kuwo cusub.

Diyaar garowga ciidan ee dhamaadka ah iyo xogaha laga helayo dhanka argagixisada oo dhaqaale la’aan iyo saad la’aan ay ku hayso deegaanada Galmudug ayaa dadka Soomaaliyeed galinaya rejo ah in wejiga koowaad ee dagaalka si fudud loo soo afjari karo markaan.

Khubarada amniga waxay sheegayaan inay jirto fursad dhowr jiho looga weerari karo kooxda, marka la eego dib u habeynta lagu sameeyay ciidanka dowladda iyo diyaar garowga cusub ee ciidamada deegaanka, tii oo dhinaca kale uu meel wanaagsan marayo qorshaha cusub ee dowladda ku diiwaan-gelinayso ciidanka Macawisleyda, kuwaasi oo sida la sheegay hadda loo bilaabay inay helaan xuquuq bille ah.

Hadda indhaha shacabka Soomaalida waxay u jeedaan dhanka Dhuusmareeb, Madaxweynuhuna wuxuu sida muuqata go’aansaday inuu halkaasi kusii shaqeeyo si uu u xaqiijiyo natiijada dagaalka.