Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iyo qorshe culus oo socda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Dhuusamareeb, kadib in ka badan toddobaad oo howlo shaqo uu uga maqnaa caasimadda Galmudug oo saldhig u aheyd labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa ka soo duulay Baydhaba oo xalay uu ku hoyday, safarka uu galabta ku tegay Dhuusamareeb wuxuu ka baaqday shalay galab isagoo jooga Xudur, sababo la xiriira cimilada, maadaama roob xoog leh uu ka da’ayey Dhuusamareeb, wuxuuna xalay u hoyaaday Baydhaba.

Xasan Sheekh ayaa maalmihii uu soo moogaa Dhuusamareeb wuxuu isku maray Muqdisho, Baydhaba, Xudur iyo dalka Eritrea, intaas wuxuu ka shaqeynayey arriimaha dagaalka Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Safarkiisii Eritrea, wuxuu fure u noqday soo daad-gureynta ciidankii ugu badnaa oo tababar sare ku soo qaatay dalkaas, wuxuuna Xasan Sheekh maalmo gudahood ciidankii uu ugu soo khudbeeyey Asmara, mar kale ugu khudbeeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa muhiimadda koowaad ee shaqadiisa ka dhigay dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna tagaa goob kasta oo door kaga furan yahay dagaalka, sidoo kale wuxuu go’aansaday inuu kaashado koox ama qof kasta oo wax ka gala dagaalka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa shalay Xudur kaga dhawaaqay dagaalka kooxda, isagoo warbaahinta u sheegay inuu Koonfur Galbeed ugu tegay dad aad u abaabulan oo u baahan in lagu hoggaamiyo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Xudur ka sheegay inuu ku laaba doono Dhuusamareeb, isla markaana maalmo kooban gudahood ay kooxda ku soo dhaafi doonaan galbeedka Hiiraan, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka oo lagu xorey doono K/Galbeed iyo Jubbaland.

Sidoo kale xog ay Caasimada Online ka heleyso safarada qorsheysan ee Madaxweynaha waxay sheegeysaa in seddax maalmood kadib uu Yurub u safri doono, isla markaana uu toos mar kale ugu laaba doono Dhuusamareeb.

Saldhigga hoggaaminta dagaalka Gobollada Dhexe ayuu Maxaxweyne Xasan Sheekh ka dhigtay Dhuusamareeb, dagaalka ugu adag ayaa kooxda uga furan Galmudug, koonfurta gobolka Mudug ayay ka gadaalamayaan maalmahaan, waxaana dowladda u qorsheysan in muddo kooban ay ku soo afjarto Shabaab-ka weli ka dagaalamaya Galmudug.