Kadib toddobaayo murugo ah, war wanaagsan oo kasoo yeeray Isbitaal Martiini

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Martiini oo ah isbitaal gaar u ah la tacaalidda cudurka Coronavirus ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo haatan isbitaalka laga saaray. Dadkaas 34 kamid ah waxay ahaayeen rag, halka sideeda kale ay dumar ahaayeen.

Inta badan bukaannadaas ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxaana lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsadaan. Sida lagu baahiyey warbixin kasoo baxday.

Baadi Duqoow Macallin waxa uu ahaa bukaan muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd ee uu geliyay xanuunkaas, haatana dhakhaatiirta ayaa u ogolaatay in uu gurigiisa isku karantiilo.

Baadi waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiin sababo la xiriiro cabsi laga qabay in uusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay daryeel fiican, sida lagu sheegay warbixinta.

“Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow.

Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adag oo neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan xanuunkan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladoodana ay dhakhaatiirtu la socon doonaan.

Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in Dahabo Xasan oo isbitaalka la geeyay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay ‘inaan isbitaalka Martiini la geynin’ balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID-19 ayey go’aansadeen inay geeyaan Martiini.

“Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka la i keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaahey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo.

Isbitaalkan waxaa la sheegay in lagu sameeyay horumarin waxaana ka howl gala dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal isku bedela shaqada, kuwaas oo xilli kasta heegan ah.

Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay daryeel u fidinta dadka la il daran xanuunkaas ee la keeno Isbitaalka iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Corona.

Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxniininaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday, sida lagu sheegay warbixintan.

Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhakhaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin.