Maxaa ka dhaxeeya safarkii Afwerki ee Addis-Ababa iyo xaaladdiisa caafimaad?

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki ayaa Axaddii, 3-dii May, waxa uu booqasho lama filaan ah ku tegay dalka Itoobiya, isaga oo soo afjaray warar laysla dhex-marayey oo ku saabsan halka uu ka baxay kaligii-taliyahan caburinta ku haya dadkiisa.

Booqashadan ayaa layaab ku noqotay dad badan sababtoo ah sida uu cudurka Coronavirus u billowday madaxda caalamka waxay intooda badan kulamooda ku qabanayeen muuqaal xagga internet-ka, sidaas darteeda waxay tani abuurtay su’aalo la iska weydiiyo ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya socdaalka.

Waxaa hadda soo baxaya in qorshaha safarka Afwerki uu la xiriiray inuu ku beeniyo warar ay aad u hadal hayeen qurbo-joogta Eritrea iyo dadka Itoobiya oo ku saabsan in sababta aan muddo loogu arag fagaaraha dadweynaha ay tahay in xaaladdiisa caafimaad ay liidato.

Socdaalkan ka hor, Afwerki ayaa socdaal qarsoodi ah ku tegay dalka Sacuudiga, oo sida la sheegay uu u aaday xaalad caafimaad, taasi oo sare u qaaday wararka la xiriira in caafimaadkiisa aanu wanaagsaneyn.

William Davidson, oo ah fallanqeeyaha sare ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga, International Crisis Group (ICG) u qaabilsan Ethiopia, ayaa sheegay in sababta Afwerki u doortay in kulamo lagu qaban karo online uu u tegoAddis Ababa ay tahay inuu yiraahdo “waan caafimaad qabaa.”

“Kadib markii wararka xaaladdiisa ay sare u kaceen, Afwerki wuxuu doortay inuu sameeyo jawaab xooggan, oo ah in caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay, islamarkaana weli uu xiriir wanaagsan la leeyahay Abiy, kaalin fir-fircoonna ku leeyahay diblomaasiyadda gobolka,” ayuu yiri William Davidson.

Si kastaba, taxliilayaasha qaar ayaa rumeysan in go’aanka Afwerki uu uga jawaabay wararka ku saabsan caafimaadkiisa laga yaabo inay sii xoojeysay tuhunkii ayada oo dirtay farriin ah inay wax ka jiraan, sababtoo ah “warar aan waxba ka jirin, kama jawaabeyn.”