FARMAAJO oo shaaciyey qorshe lagu maamuusayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka Coronavirus, oo uu ku shaaciyey qorshe lagu maamuusi doono.

Kulankaas oo ahaa mid dhiirra gelin ah ayaa looga hadlay xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalka iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan dhakhaatiirta caafimaadka ee ku howlan la tacaalidda cudurkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, kal-kaaliyeyaasha, adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalka dadaallada ay ku   bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan xakameynta cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka ee xilligan.

“Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda ugu weyn ee dalka ay haatan saran tahay Bahda Caafimaadka oo indhiho u ah wakhtigan adag. Waxuuna xoojiyey wal-walka ku aaddan inay yartahay  feejignaanta bulshada ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan xarumaha karantiilka bukaannada cudurka Coronavirus.