XOG laga bixiyey ‘muran dhuleed’ lala xiriiriyey Saylici oo ka taagan BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) –  Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Boorama, ayaa ka hadlay muran baahsan oo ka taagan dhul la sheegay inuu si xoog ah ku qaadanayo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici.

Badhasaabka ayaa sheegay in dhulkaasi oo ku yaala buurta Faaraxyood ee magaalada Boorama ay yihiin dhul dan-guud ah oo ay ugu deeqeen qolo Hay’add ah oo ka dhisaysa Xarun lagu hayo Agoonta.

Sidoo kale waxa uu sheegay Badhasaabku in dadkii ku doodayay dhulkaasi ay is arkeen, balse ay warbaahinta u sheegen wax ay isla ogeyn, kuwaasi oo Madaxweyne kuxigeenka ku eedeyay inuu awood dowladeed kala wareegayo dhulkaasi.

Badhasaabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi Saylici lagula xiriiriyay dhulkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagna muran xoogani, iyada oo dhawaan ay warbaahinta kasoo muuqdeen qoysas danyar ah oo sheegayey in si qasab ah looga qaadayo dhulkooda.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan dhaleeceyn loogu jeediya arrimo la xiriira dhulka, xili ay isasoo tarayaan dad badan oo ku doodaya in dhulkooda ay si xoog ah uga qaadanayaan Madaxda ugu sareysa Somaliland, sida Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.