Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo COVID-19 ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta warbixinteeda maalinlaha aheyd ku sheegtay inay kordheen Kiisaska cusub ee cudurka Coronavirus/Covid-19 ee deegaanadeeda.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Xergeeye ayaa sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyay ay soo kordheen 5-Kiis oo horleh, kuwaasi oo lagu xaqiijiyey baaritaanadii ay sameysay wasaaradu.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Shanta kiis ee cusub ee maanta ay wada yihiin Rag, isla markaana ay ku sugan yihiin gobolka Maroodi-jeex, iyada oo uu da’dooduna ay u dhaxeyso 30 ilaa 70-jir.

Xergeeye ayaa xusay in labaatan qof oo baaritaano gaar ah lagu sameeyay ay kasoo baxeen shantaasi qof, midaasi oo weli muujinaysa heerka uu marayo faafida cudurkaasi ee gudaha Somaliland.

Kiisaska cusub ee maanta wasaaradu shaacisay ayaa tirada guud ee cudurkaasi ee deegaanada Somaliland ka dhigeysa 48-Kiis, iyada oo ay ka bogsadeen 6-qof, halka ay u geeriyoodeen 5-qof oo kale.

Agaasimaha ayaa bulshada ka codsaday inay qaataan fariimaha wacyi-gelinta wasaarada caafimaadka, iyada oo la raacayo talaabooyinka caafimaad ee sida kala fogaanshaha iyo ku dadaalida nadaafada.

Cudurka Coronavirus ayaa weli kusii fidaya deegaanada Somaliland, iyada oo maalinba maalinta ka dambeysa ay sarre usii kaceyso dadka laga helayo cudurkaasi ee ku sugan gudaha Somaliland.