Natiijada kulan dhex maray beelihii Dhuusomareeb iyo Cadaado ee dagaalamay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanka Xananbuure ee waqooyiga magaalada Dhuusamareeb maanta waxaa la isku soo hor fariisiyey laba beelood oo ay kasoo kala jeedeen maleeshiyo dhawaan ku dagaalantay deegaanka Qalaanqalle oo u dhaw Xananbuure.

Labada beelood ee maanta la isugu keenay gogosha dib u heshiisiinta ayaa kala dega magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxuuna dagaalka dhex maray salka ku hayey dhul daaqsimeed.

Kulankaas waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka kala socday Galmudug iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyeyaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb, oo sida la sheegay dadaalka ugu badan ku bixiyey in la isku keeno labada beelood.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulankaas dib u heshiisiinta ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in kulankaasi uu soo dhamaaday is afgarad.

“Waxaa guul iyo is afgarad noogu soo dhamaaday galabta gogol dib u heshiisiin oo aan dhignay deegaanka Xananbuure ee dowlad goboleedka Galmudug. Galmudug maanta kadib uma baahna khilaaf iyo colaad dhiig dambe ku daato” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mahad Salaad.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa qaban qaabadii kulankaas loo qabtay labad beelood uga mahad celiyey xukuumadda Galmudug iyo guddoomiyeyaasha magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

“Waxaan halkaan mahad balaaran uga jeedinayaa Madaxweynaha Galmudug, Golihiisa Wasiirada, Gudoomiyeyaalka degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, Odoyaasha Dhaqanka iyo cid waliba oo gacan ka geysatay dhameynta shaqaaqadii deegaankaas ka dhacday maalmo kahor” ayuu sii raaciyey qoraalkiisa.