Jubaland oo shaacisay in DF ay ka xayirtay diyaarad gargaar usoo siday + Video

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulan deg-deg ah oo ay golaha amniga maamulkaasi ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Sayid Aadan ayaa shaaciyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xayirtay, islamarkaana ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortagga xanuunka Covid-19 iyo fatahaadaha ka jira gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baardheere oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in dowladda dhexe ay siyaasadeyso gurmad lagu caawinayo shacabka Jubbaland oo ay isku biirsadeen fatahaado iyo Coronavirus.

Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xarigii ay dowladda Soomaaliya u geysatay guddoomiyihii degmada Garbahaarey, Cadow Iimaan Kaarshe oo shalay laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay weli sii wato dhacdooyinka is-daba jooga ah ee ay ka geysaneyso gobolka Gedo, isagoona xusay in guddoomiye Kaarshe, si xoog ah loo soo afduubtay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu ka dalbaday dowladda dhexe inay sii deyso ma’suulkaasi, ayna ku soo celiso degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa hoosta ka xariiqay in go’aano culus iyo mowqif cad ay Jubbaland ka qaadatay xiisada kala dhexeysa dowladda dhexe, islamarkaana ay maalmaha soo socda la wadaagi doonaan beesha caalamka, xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed, si ay marqaati uga noqdaan.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka oo dhameystiran.