BISHAAR ABSHIR GEDI oo maanta loo magacaabay taliyaha booliska Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xjiaar) ayaa waxaa taliye cusub loogu magacaabay ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug.

Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay xilkaasi, sida lagu sheegay wareegtada.

Bishaar ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna mar soo noqday taliyihii qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu mar soo ahaa taliyihii laanta dambi baarista Booliska ee CID-da, wuxuuna sidoo kale soo qabtay xilal kale.

Taliye Bishaar Abshir Geedi ayaa bedalaya Gaashaanle Sare Cabdikariin Xussen Macalin oo xilkaasi hayey wax ka yar saddex bilood, waxaana loo magaacay 22-kii bishii  February ee sanadkaan 2020-ka, kadib wareegto ka soo baxsay xafiiska taliye Xijaar.