Kala geeye – Cuqdad aabaheed! (Q.3)

Qaybtii 3aad.

Muuqaal 4aad.

Muuqaalkan waxaa ku kulmaaya, Oday Kala-geeye Cuqdad Aabaheed, gabadha uu adeerka u yahay Hodan iyo saaxiibteed Mulki, waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Kala geeye: – Hablahaygii ii warama?

Mulki:-  Adeer waa nabad

Kala geeye: – Aad iyo aad ayaan idiinkugu hanbalyeeynayaa sharafta iyo wanaaga, aad muujiseen, aadna waan idiinku mahadnaqaayaa, waayo waxaad qabateen howl muhiim ah, maadaama aad mideeyseen ummada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaan, waxaana idiin balan qaadayaa in aan garabkiina istaago aana idinku taageero waxaad u baahataan, qaasatan waxaan sanadka ugu horeeya aan idinka bixin doonaa kirada, xarunta jaaliyada waxaana waliba sii dheer wixii kalood iiga baahataan, waayo waxaad qabateen howl aan anaga hortiina qaban weeyney idinkoo dhalin yaro ah, waxaana idin leeyahay mar kale hambalyo.

Mulki: – (waxaa ka muuqday dareen farxad leh, waxaana riyo ku noqday shakigii ay galisay Hodan) adeer aad iyo aad ayaad u mahadsantahay kiradana kaligaa ma bixineeysid, waayo ma awoodid waxaad tahay xoog maal ( taxi) ayaad wadaa, waa badanahay waa kala qeeybsanaynaa, waxaa nagu filan taageeradaada odaynimo.

Hodan: – (Oo ka yaaban go, aanka adeerkeed, hadalka macaan ee uu ku hadlaayo iyo sida ay u taqaan in ayan ka suurta galin wanaagaas) Adeer waa run waxaa wax walba nooga qaalisan taageeradaada odaynimo, howlaha kale anagaa fulin karna.

Kala geeye: – kkkkk adeer qowl nin weyn ka dhacay waa geed qolof ka dhacday, go, aanka waa sidaan u gaaray, anigaa bixinaaya kirada sanad, waxaanay xaruntaas ku kireeysantahay, waxaan xoogeeyga (taxi) aan ku soo shaqeeyo, cid diidi karta ama ila bixin karta malaha, waayo waxaad suurta gal ka dhigteen riyadeeyda mideeynta dadkeeyga, waliba waxaan idin leeyahay ha ku ekaanina magaaladaan oo kaliya gaarsiiya meel waloo ay soomaali ku nooshahay, waana sii tagaayaa.

Hodan: – Adeer aad iyo aad ayaad u mahad santahay.

Waxaa baxay Kala-geeye Cuqdad Aabaheed, waxaana isku soo haray, Hodan iyo mulki, waxaana dhexmaray sheekadaan.

Mulki: – ma istiri adeerkaa aad baad u dulmeeysay, waa Kan Na garab istaagay oo nagu faraxsan ka waran sharaftiisa.

Hodan: – kkkkk marna ma aaminsani howl adeerkeey garab istaagay in ay jireeyso, oo ay fuleeyso, hadalkiisana shaki unbaan ka qabaa waa in aan iska ilaalintiisa waqti badan ku luminaa.

Mulki: – waxaan u maleeynayaa in aad adeerkaa  u qabto cuqdad kale, waa waalidkaa waa kan naf iyo maalba noo huray, shakiga iyo waxa aad ka tirsaneeyso, annaga hanala fal galinin.

Hodan: – Waa yahay waan isla arki doonaa xaajadu meeshay cuskato, anniguse waxaan leeyahay waraaboow maalin wacan.

Muuqaal 5aad.

Waxaa ku kulmaya Kala-geeye Cuqdad Aabaheed iyo saaxiibkiis Igu Akhri waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Kala geeye: – (Oo daalan maanta dhana waday (taxi) uu ku shaqeeynaayay aadna u dhibsaday ayna ku adkaatay shaqadaan kadib markuu sanada badan ku howlanaa.) Xaalladdaada ka waran saaxiib?

Igu Akhri: – (waxa uu ka shaqeeyaa truck ama makiinada wax lagu xamaalo oo uu mudo badan ku ceeshaayay) sxb waa nabad waxaanse maanta kugu socday in aad igala taliso sidaan ku baran lahaa kaxeenta (taxi) waayo shaqadeeydan waa iga hortimid waxaan rabaa in aan badalo oo aan sidaadoo kale iska raaxeeysto.

Kala geeye: – Cajaa, ib adigoo harsan waayay wali malaguu soo hoyday!? Sxb anigaaba qaatiyaan taagan oo raadraadinaaya waxaan ku badali lahaa, waxaanba rabay in aan adiga xagaaga imaado, adigana dayraadba igaga soo hormartay, laakiin sxb anigaa kuu haya howl aad u wanaagsan oo aan aad uga macaashi doono.

Igu Akhri: – sxb waligaaba waad talo fiicneeyde ma ganacsi baad noo heeysaa? 

Kala geeye: – Ganacsi casri ah ayaan noo hayaa waana Kan maanta gadmaaya oo laga macaashay, sxb waxaan sameeysaneeynaa Maamul Goboleed la magac baxay (Alfu-layl wa- layl land) madaxweeyne anigaa ka noqonaaya ku xigeena adiga! Ka waran shaqadaas?

Igu Akhri: – waa shaqo fiicana yaa na dooranaaya? Shacab soow looma baahna? 

Kala geeye: – Kkkkkkkk sxb miskiin sanidaa ma soomaali baa leh Shacab wax la wareeysto?  Anagaa wax dooraneeyna labadeena, anagaana is dooranayna, kadibna sankaan ka galineeynaa, waxaan u baahanahay aqoonsi dhanka aduunka uun, taasna waan heleeynaa ha walwalin, waxaad sameeysaa islaantaada uun waxaad ku tiraahdaa sanbuuse soo diyaari, meeshii xafladda lagu qabanaayay anigaa kireeynaaya, cabitaankii iyo fannaan ku luuqeeya hees aan ugu tala galay(Alfu-layl wa-layl land) anigaa keenaaya.

Igu Akhri: – Kkkkkkkk sxb maantaad dhakadii ugu wanaagsaneeyd keentay, laakiin sxb xafladda yaa ka soo qeeyb galaaya dadka magaalada xumaan badan beey kaa tirsanaayaane? Mida labaad tolka waad ogtahay qaaraan diid ayeey kuu yaqaanaan soow ma wanaagsana in aad aniga I hormariso, oo aad adiga ku xigeen  ii noqoto?’

Kala geeye: – sxb soow ma ogid in aan dhalinyaradii lahayd waxbaan mideeyneeynaa in aan jeebka kuritay, oo aan ka bixiyay kiradii, oo aaneey maanta marna ka maqnaan Karin xafladdeeyda Maamul goboleedka.

Igu Akhri: – haa waan maqlay. Waxaan rajeeynaayay in aad kala daadin doonto, taageeradaadana waaban la yaabay!

Kala geeye: – War waxeey ku jiraan riyo, anigaana kala daadin doona, waxaanse rabaa in aan ka helo camiraad xafladdeeyda caleema saarka madaxweeynaha maamul goboleedka (Alfu-layl wa-layl land), mida kale waxaan arkaa in aadan diyaar u ahayn ina aad ila shaqeeyso, waxaad ku rafaneeysaa waxaad tahay qaaraan diid,sxb caleemo saarka kadib, waxaan gacanta ku dhigi doonaa sadexda oday Ee ugu mihiimsan beesha, Oday maxaan cunaa, Oday danteeyda ka hadal iyo oday hal beel deeq, hadaadse adiga damacday kursigayga na kala kaxee ma weeynaayo madaxweeyne ku xigeen aniga ii carbisan iyo gole wasiiro, xukun doonkaa badan!

Igu Akhri: – sabeen allaa kugu xiran raali ahoow, adigaana kula shaqeeynaayaa, waa igu balan adaa ii indha ah.

La soco qaybta 4aad

W/Q Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur     nasri2014@hotmail.com