Ciidamada DF oo dilay burcad

Ciidamada dowlada soomaaliya ayaa gobolka shabeelaha hoose waxaa ay ku dileen kooxo burcad ah oo gawaarida dadka shacabka dhaca.

Howlgal ciidamada dowlada soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Leego ee gobolka shabeelaha hoose oo ay inta badan la wareegeen ciidamada dowlada waxaana ay dagaal kala horyimaadeen  kooxahan.

Inta la ogyahay qasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxaa uu yahay dhimashada labo burcada ka tirsanayd halka mid kalana uu ka dhaawacmay isla kooxaha.

Sarkaal dowlada ka tirsan ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay qaadaan jidgooyo kooxo burcad ah u taalay muqdusho,Shabeelaha hoose iyo Baay oo hada gawaarida si amaan ah ay u iscticmaalaan buu yiri.