Markab sida hub iyo saanad milatari oo ku soo xirtay dekedda Kismaayo

Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay ka heshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in markab sida hub fara badan uu xalay kusoo xirtay dekedda magaaladaas.

Ilo-wareedyo  ka mid ah shaqaalaha dekedda, ayaa sheegay in markabka uu sidoo kale sido saanad milatari.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in markabka ay la socdaan saraakiil milatari oo ka socda dalka Sierra Leone oo qeyb ka noqon doona howl galka Amisom ee magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa xalay aad loo adkeeyay, sababo la xiriira arrintan.

Ma jiraan warar intan dhaafsan oo laga helayo arrintan iyo sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay taliska Amisom.