Madaxweyne Xasan & Kibaki oo heshiis ka gaaray qaxootiga Soomaalida

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ayaa u muuqday inay isku afgarteen heshiis aan dhameystirneen oo ku wajahan xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shalay booqahso ku tagay dalka Kenya, xilli dowladda Kenya ayaa soo saartay amar ay dadkaasi ku siisay inay dib ugu noqdaan xerooyinka qaxootiga oo ay ka tagaan magaalooyinka waa weyn.

Labada Madaxweyne ayaa si wada jir ah u muujiyay walaaca ay ka qabaan qaxootiga Soomaalida ee ee ku jira xerooyinka qaxootiga ee bariga Kenya.

Waxa ay labaduba ballan qaadeen inay si wada jir ah ula shaqeeyeen hay’adaha caalamiga ah, si loola yimaada qorshe dalkaasi dib loogu celinayo Somalia, si ay dib ugu dhisaan noloshooda ugana qeyb qaataan horumarinta dhulkooda hooyo.

Labada madaxweyne ayaanse ka hadal arrinta murugada ay ka jirto ee dadka ku nool xaafadda Islii, oo dowladda Kenya ay amartay inay dib ugu noqdaan xerooyinka, ayaguna aysan dooneyn.

Dad badan ayaa filayay in madaxweyne Xasan Sheikh uu Kibaki kusoo qaadi doono arrintaas, iyo in dhacdooyin ay gesyteen dad yar oo fara ku tiris ah aysan saameyn Soomaalida oo idil.