Muqdisho iyo wixii xalay ka dhacay + Ballanqaadkii Saacid oo aan fulin

Muqdisho ayaa xalay mar kale waxaa ay ku soo laabatay Madaafiic, taas oo lala rabay Xarumaha Madaxda Dowlada Soomaaliya ay ka dagan yihiin caasimada.

Tiro Madaafiic oo aan la garaneyn halka ay kasoo dhaceen, ayaa marqura saqdii dhexe ee xalay waxaa laga maqlay Muqdisho iyadoo lasoo wariyay in dhaawacyo kala duwan ay geesteen madaafiicdaasi.

Madaafiicdan,  ayaa waxaa  lagu bartilmaameedsanayay Xarunta Vila Soomaaliya,  hase yeeshe waxa ay ku dhaceen xaafado kamid ah Warta Nabadda.

Saddex ruux ayaa ku dhaawacmay markii siyaabo kala duwan madaafiicda ay ugu dhaceen guryo ay ku sugnaayeen,ilaa iyo iminka lama soo sheegin dhimasho ka dhalatay madaafiicdaasi.

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay todobaad sii horeeyay oo Muqdisho ay ka dhaceen Madaafiic madaxtooyada lala rabay waxaa uu sheegay inaysan dhici doonin mar labaad in howlkooda lagu soo weeraro, balse ballan qaadkaasi waa uu ka dhabeyn waayay.