Horumarka waxbarasho ee ardyada Soomaaliyeed ee Turkiga + Sawirro

Marka aad maqasho ugu horayn dalka Turkiga ama aad ka daawato shaa shadaha caalamka Madaxda Turkiga, waxaa durba kugu soo dhacaya Dareen  ay ku dheehan tahay Jacayl Walaaltinimo, waxaadna Xusuusanaysaa kaalinta ay Dowladaasi ka gaysatay abaarihii ka dhacay Soomaaliya sanad ka hor. Marka aad maqasho Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda, Sweden, Holand, Norway, Maraykanka Qadar, Kuwait iyo kuwa  kale oo aad aragto Garoonka Muqdisho oo Diyaaradaha ay la yihiin meel ay ka galaan Bakin, waxaa Durba kugu soo dhacaya Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdi uu hogaaminayo Recep Tayyib Erdogan oo daah Furay arintaas.

Aqristow intaas oo dhan marka aad ka Gudubno waxaa dalka Turkiga ka socda horumar ay ka gaareen Soomaalida Dagan halkaas haday ahaan lahayd dhinaca waxbarshada dhinaca Xoriyada  taasi oo ay Mas’uuliyadeeda leedahay safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.       Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Turkiga  ee uu Safiirka ka yahay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxay ka midtahay safaaradaha fara ku tiriska ah ee Caalamka ku yaal oo garab is taagay Umada Soomaaliyeed .

sawirada safiirkasawirada safiirka 2sawirada Safiirka (12)Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Turkiga  oo ah Dalalka Carabta kuwa ugu Qanisan ayaa waxay labalaabtay Howsheeda waxaama mas’uuliyadaas iska leh safiirka iyo shaqaalaha safaarada oo ah kuwa xili walba u soo jeeda dadka Soomaaliyeed ee jooga dalkaas una dhaga Nugul arintaas.

SafaaraddaSoomaaliya ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u howlgelisay bar internet(Website) kaasi oo ay si toos ah dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula xiriiri karaan si xogaha ay isku weydaarsadaan.

Dadaalka safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa waxa ay Soomaalida dagan Turkiga sheegeen in uu yahay mid la mid ah hogaanka Casriga ee Qarnigan, waxayna ku tilmaameen safiirka shaqsi Qalbi furan oo Soomaalida isku mid ay u tahay.   SafaaraddaSoomaaliya ee Turkiga ayaa noqoneysa Safaaradii ugu horeysay ee si toos ah uhowlgelisa Website ay dadka Soomaaliyeed  ay kala socdaan wax qabadka safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

soomaalida dan ama Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ku Nool Turkiga ayaa si diiran u soo dhaweeyay dadaalka uu wado Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh oo ay ku tilmaameen mid ka soo baxay shaqadii safaarada iyo mida muwaadinimo ee uu Xaqa u lahaa.

Danjire  Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxa uu ka midyahay safiirada dalaka islaamka gaar ahaan kuwa Carabta u fadhiya caalamka, hadana waxaa barbar socda qaabilaada safaaradaas ay u hayso Soomaalida dalkaas dagan.

Ardayda  wax ka Barata jaamacada Turkiga ayaa ku amaanay Danjire Mursal dadaalka uu wado, waxayna sheegeen in Xili ku haboon loo soo magacaabay safaarada.

“ Aniga waxaan ka mid ahay ardayda dhigata Jaamacadaha Turkiga, waxaana imid mar dhaw waxaan ka mid ahaa arkaydii dhawaan soo gaartay Turkiga, waxaana oran karaa safaarada soomaaliya ee  uu Safiirka ka yahay Danjire Maxamed Mursal Sheekh, waxaan Oran karaa waa shaqsi ku daysho mudan, oo la aantiis wax ma baran lahnayn”ayay Tiri fartuun axmed Yuusuf oo Bogan uga Warantay Xaalada Soomaalida dagan Turkiga iyo howlaha safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

“ waxaan  u socdaa sida in aan Joogo Muqdisho, waxaan xor u ah in aan safaarada Soomaaliya tago Waqti kasta, safiirka si Toos ah ayaan kula kulmaynaa  xataa qof Naga Celiso maleh, hadaanahay Soomaalida ku Nool Turkiga, Appoint Ment ayaan  nala siinayaan isla markiina waan arkaynaa safiirka, waxaana u sheegaynaa waxa aan Rabno haday ahaan lahayad dhinaca sharciga, dhinaca Waxbarashada iyo arimo kale”ayay tiri fartuun axmed Yuusuf.

Sidoo kale dadaalka Danjire Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxaad moodaa in uu waa Cusub u furay Soomaalida dagan Turkiga gaar ahaan dhalinyarada wax ka barata halkaas oo gaaraya Boqolaal iyo kuwa horay u joogay

La soco qeyb kale Cabdixakiin Cilmi Xasan Cabdixakiin441@hotmail.com Cabdixakiin441@gmail.com Face-Book-Cabdixakiin44@Hotmail.com Tel–+254-711830393