Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaal ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u diiday in Goluhu uu ka doodo arrinta Sargaalka ONLF Qalbi Dhagax ee dhawaan loo gacan galiyay dowlada Ethiopia.
Mudanayaasha diidan in arrinta Qalbi Dhagax looga doodo xarunt Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay inaan loo baahneyn in Aqalka Sare uu xasarad ka dhex abuuro dowlada.
Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo kamid ah mudanayaasha ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin in la baalmaro sharciga, waxa uuna ku baaqay in arrinta Qalbi Dhagax marka hore loo daayo baarlamaanka Somalia.
Senator Jawaahir Axmed, ayaa cadeysay inaanu suuragal aheyn in Xildhibaanada Aqalka Sare ay ka hordhacaan baarlamaanka, maadaama aanu qodobka Qalbi Dhagax weli soo marin baarlamaanka.
”Xildhibaanada sharci doonka ah ka qaadan doonaan in Aqalka Sare uu ka doodo arrinta Qalbi Dhagax, waxaan u deyneynaa baarlamaanka wixii ka danbeeya ayuu Aqalka Sare la wareegayaa”
”Waxaan cadeynayaa in sababta ugu weyn oo aan u diidnay ka doodida arrinta Qalbi Dhagax ay tahay in xubnaha qaar ay doonayaan inay afduuban howsha baarlamaanka”
Xukuumadda Kheyre ayaa wada galaan gal aad u xooggan oo ku aadan sidii labada Gole ee Baarlamaanka aanu u diidi laheyn go’aankii ay dhowaan ka gaareen dhiibiddii C/kariin Qalbi Dhagax, iyadoo adeegsaneysa farsamo kasta oo ay ugu hortageyso cadaadiska Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]