Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo hal arrin ka dalbaday guddoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa ay ku kulmeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka seddexda mas’uul oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlaayay culeysyada dowlada ka heysta dhanka baarlamaanka Somalia.

Seddexda mas’uul waxa ay isla soo hadal qaaden dhinacyada ay ka jiraan culeyska sida Mooshinka iyo arrinta ku aadan Qalbi Dhagax oo wali Jawaabteeda laga sugaayo Xukuumada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka uga waramay waxa uu salka ku hayo culeyska lagu hayo dowlada waxa uuna bidhaamiyay inay jiraan dhinacyo dhowr ah oo dal daloolada muuqda uga faa’iideysanaaya dowlada.

Farmaajo waxa uu arrin halis ah ku sheegay in sharciyada dalka laga dhigo kuwo mar waliba loo adeegsado dowlada, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay mas’uul ka tahay dalka iyo dadka, isla markaana ay u taagan tahay inay xal u raadiso wixii dhib u ah.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa si wada jira Guddoomiyaha barlamaanka uga dalbaday keliya inuu qaboojiyo kacdoonka ay muujinayaan Xildhibaanada si loo abaaro halka ugu sahlan oo lagu xalinkaro tashwiishka jira.

Waxa ay Farmaajo iyo Kheyre u ballanqaaden Jawaari inay daweyn doonaan dhammaan boogaha muuqda, balse ay xiligaani doonayaan in marka hore la qaboojiyo Xildhibaanada.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa labda mas’uul u ballanqaaday inuu juhdi ku bixin doono kala dhantaalida Xildhibaanada is uruursanaaya ee culeyska ku haya dowlada.

Dhinaca kale, waxa uu ballanqaaday inuu ka shaqeynaayo in Xildhibaanada uu horkeen labada mas’uul iyadoo aanu jirin wax tashwiish oo ay qabaan Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com