Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray madaxa xafiiska arrimaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya OCHA, Justin Brady.
Shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu uga hadlay arrimo badan.
Ugu horreyn wuxuu ka hadlay khasaarasha ka dhashay fatahaada Wabiga Shabelle uu ka sameeyay deeganno badan oo ku yaalla Gobalka Shabeellaha Hoose iyo duufaantii ku dhufatay gobalada Bari iyo Nugaal ee Puntland.
Mr. Justin Brady ayaa shaaciyay in dad badan ay ku dhinteen duufaantii ku dhuftay Puntland horaantii bishan, isagoonta intaa ku daray in dad badan ay ku barakaceen.
Wuxuu sheegay oo kale in hey’addaha gargaarka ay billaabeen in ay caawiyaan dadka wax ku noday duufanta iyo fatahaada Wabiga Shabelle.
Dhinaca kale, mas’uulkan ka socday OCHA ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay meelo nabadoon dajiso dadka barakacayaash ah ee ay dib-ugu celinayso gobolladooda, isagoo tilmaamay inay ka cabsi qabaan inay dayacmaan, haddii la dajiyo meelo aysan dowladdu ka war qabin.
Dhinaca kale, madaxa xafiiska arrimaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday dib-u-celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inay ka caawin doonaan dhinacyada dib-u-dajinta, dhaqaalaha iyo adeegyo kale.
Ugu dambeyn wuxuu muujiyay in ay jiraan kooxo la shaqeeya hey’addaha gargaarka kuwasoo dhaca ama musuqmaasuqa gargaarka loogu talagalay dadka soo barakacay, wuxuuna sheegay in dabagal ku sameen doonaan kooxahaas cadaaladdana ay hor keenin doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

