Muqdisho (Caasimada Online) – Waxyaabaha ugu weyn ee madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh uu ku heystay Axmed Madoobe, ayaa waxaa ka mid ahaa in maamulkiisa aan loo dhameyn, oo dad ka mid ah kuwii deegaanka laga qadiyey xaqooda.
Sidaa oo ay tahay wixii uu ku eedeeyey Axmed Madoobe, ayuu Xasan Sheikh kaga dhaqmaa magaalada Muqdisho, sida ay ku eedeeysay mid ka mid ah beelaha beesha uu kasoo jeedo isaga ee Abgaal.
Beesha Mataan Cabdulle ee Wacbudhan Abgaal, ayaa ku dhaleeceysay Xasan Sheikh inuu duudsiiyey xaqooda.
Kullan ayaa Muqdisho ku yeelatay ayaa beesha Mataan waxa ay madaxweynaha ku eedeysay inuu u diiday xaqooqda, kana door biday nin jecleysi iyo qabiileysi.
Beesha Mataan Cabdulle oo ah dadka deegaan ahaan u leh Muqdisho, ayaa sheegtay in madaxweynaha ay ka doonayaan xaqooda, maadaama Somalia ay tahay Federal iyo nin kasta iyo deegaankiisa.
Afhayeen u hadlay Mataan Cabdulle, ayaa wuxuu sheegay in lagu haayo dhibaato seddex qaybood isugu jirta, wuxuuna ku kala sheegay Deegaanka, dadka iyo dalka.
Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu ixtiraamay Axmed Madoobe iyo dadkiisa markii ay la dagaaleen, sidaa darteedna haddii uusan nabad ku qiimeyn ay ayagana dagaal ku dhacsan doonaan xuquuqdooda.
Sidoo kale dadka Deegaanka, ayuu sheegay inay dhibaato ku qabaan Ciidamada Militariga ee Dowladda, xilli ay dadku doonayaan inay booqdaan qoysaskooda, iyadoo uu sheegay in la soo adeegsado askarta Dowladda.
Dhageyso codka Afhayeenka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho