Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, ayaa ka hadlay dilka afafka hore ee Villa Somalia loogu geystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.
Micheal Keating, ayaa sheegay in QM ay aad uga walaacsan tahay dilka Wasiir Siraaji, waxa uuna Wakiilka tilmaamay in dilkaasi uusan aheyn mid sahlan.
Micheal Keating, ayaa wax laga argagaxo ku tilmaamtay falka lagu dilay Wasiir Siraajo waxa uuna ku baaqay in baaritaanka dilka Wasiirka uusan noqon mid la fududeysto.
Waxa uu Micheal Keating intaa ku daray in QM ay diiwaanka ku dari doonto falkaasi naxdinta leh, wuxuuna tilmaamay in uu aad uga murugeysan yahay geerida Wasiir Siraaji.
Keating ayaa Ehelada Marxuumka, Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.
Keating, waxa uu tilmaamay in mowqifka QM uu yahay in il gaara lagu eego kiiska dilka Wasiirka waxa uuna shaki galiyay in dilka Wasiirka uu yahay mid ku dhacay shaki.
Geesta kale, Micheal Keating ayaa DFS gaar ahaan Hay’adaha amaanka ugu baaqay inaan la fududeysan qaabka uu u dhacay dilka Wasiir Siraaji.