2017: Sanadkii Soomaaliya ay xijaabtay – W/Q Cali Mubaarak

Saansanta muuqata hadda waxay calaamad u tahay in la soo gaaray xilligii geerida Somaliya.  Muddo badan ayey sakaraad ahayd Somaliya oo weliba mararka qaarkod la mooday inay nafti ka baxday laakin la arkay iyadoo neefsaneysa. Waxaa laga cabsaday haddii iyadoo aan geerida la hubin la aaso radi-ficilka ka imaan kara dadweynaha ku abtirsada qaarkood…sidaas ayaa muddo aan yareyn dib loogu dhigaayay in maruun laga takhaluso, si ay uga nabadgalaan dalalka deriska la ah oo mar kasta qaba tuhun ah inaan Somalida laysku aamini karin. Kheyraadka dhulkoda ku jirana aan si sahlan loo hor-istaagi karin ama lala bixi karin haddaan masiirkooda meel lagu ogaan.!!!

Somalidi dareenkeeda laga feejignaan jiray waa dhammaatay waxaana soo baxay dad diyaar u ah inay dalka oo dhan ku wareejiyaan cidii Madax Goboleedyada qancin karta oo la diyaara inay bixiso hanti aad u fara badan. Howlahaan waxaa loo WAKIISHAY ERGAGA GAARKA AH C/weli Gaas oo uu  FARMAAJO u xilsaaray wada-xaajoodka habka ugu sahlan ee loo gabagabeyn karo geerida  DALKA Iyadoo ay cid waliba raalli ka tahay…oo la wada OGGOLAADAY inuu DHAMMAADAY XILLIGI JIRITAANKA  MAGACA SOMALIYA. Xafladda saxiixa shahaadada (demise certificate) waxay ka dhici doontaa MAGAALADA LONDON MAALINTA 11/05/2017!!!  Dowladahan cusub ee soo baxay waxay u dabbaldegi doonaan xurriyadood maalinta 15/05/2017 oo ku aadan maalinti la unkay xisbigii S.Y.L!!!

Waxaa la isweydiiyay abaal-marinta ay  helayaan Madaxda dalka, waxaana lagu qiyaasay in Madaxweynaha la siiyo MIISAANKIISA OO LACAG KAASH AH, ( waatii Boris Yelstin la siiyay markuu horseeday burburkii Midowga Soviyeti miisaankiisa oo dahab ah) laakin Somalidu waxay jecel yihiin doollarka…Madaxda kalena loo qiyaaso baxadda uu la egyahay dhulka ay warejinayaan, sidaasna lagu abaalmariyo iyago raalli ku ah wixi loo soo qaado.

Dowladda Farmaajo waxay ku guuleysatay in Somaalidi SHANTA QAYBOOD AHAYD, sida xiddigta calanku tilmaameyso, ay naqatay TOBAN QAYBOOD MARKI LAGU DERAY SHANTA CUSUB OO LOO BIXIYAY DOWLAD GOBOLEEDYO…SIDAASNA AY SOMALIDI KU BAARUGTAY SIDI BARIISKA MARKA DEBKA LA SAAROO UU U BATO OO BAARUGA, SIDAASNA AANU KU BADANAY OON NAQANAY TOBAN QAYBOOD OO WADA SOMALI MAGACEED SITA…WAANA GUUL AY GAAREEN GURUUBKA MAANTA KA TALIYA DALKI LA DHIHI JIRAY SOMALIYA!!!

Madaxweyne Farmaajo waxaa lagula taliyay inuusan marna ka hadlin kana jawaabin su’aalaha ku saabsan in dalki iyo furdadihi iyo garoomadi diyaaradaha oo dhan lagu wareejiyay Imaaraatka, ciddi ka hadashana fiiro gaar ah loo yeesho!!!

W/Q: Cali Mubarak

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET