Muxuu Kheyre ka yiri dilkii afaafka Villa Soomaaliya loogu geystay wasiir Siraaji?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa si kulul uga hadlay dilka Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay afafka hore ee Villa Somalia.

Kheyre ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay sida ay musiibadu u dhacday, waxa uuna tilmaamay in raggii ka danbeeyay dilka Wasiirka ay ku jiraan Xabsi.

Kheyre waxa uu sheegay in dilka Wasiir Siraaji uusan kusoo dhammaan doonin maanta iyo bari, balse waxa uu tilmaamay inuu gaari doono ilaa heer adag oo baaritaan ah.

Kheyre waxa uu cadeeyay in Xukuumada Somalia aysan ka aamusi doonin dilka Marxuumka waxa uuna ballanqaaday in sharciga lagu kala bixi doono.

Waxa uu Kheyre sheegay in Xukuumada iyo ehelka Marxuumka ay yihiin kuwo ku qanacsan sharciga sidaa aawgeedna sharciga loo marin doono kuwa dilka geystay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Ra’isul wasaaraha in Wasiir Cabaas uu ahaa nin aad u jecel dalkiisa, dadkiisa, kana dhex muuqday Golaha Wasiirada, ayna ku dayanayeen Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u muuqanaaya in kiiska dilka Wasiirka uu yahay mid adag oo aan hadda dhamaan doonin.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET