Muxuu Xasan Sheekh ka yiri geerida wasirkii howlaha guud ee xukuumadda Kheyre?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihi waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay geeridii naxdinta laheyd ee ku timaaday wasirkii howlaha guud ee dowladda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo saaray dhambaal tacsi ah oo uga hadlayo dilkii Xalay Muqdisho loogu geystay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumada Fedraalka Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. EEBBE ha naxariisto Wasiirkii Howlaha Guud, ahaana Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay  fiidkii lagu dilay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, samir iyo Iimaan Allah ha inaga wada siiyo, Jannadii Firdowsana EEBBE haka waraabiyo” ayuu yiri Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax ka sheegay wixii uu ka yaqaanay marxuumka geeriyooda, isagoo sheegay in Marxuum Cabaas ka mid ahaa Xildhibaanada dhallinyaradii uu aad ugu farxay markii ay ka mid noqdeen Baarlamaanka sannadkii tegay ee 2016, markaas oo ay dowladiisa shaqeeneysay.

“Marxuum Cabaas, wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada markii ay ku soo biireen Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka sannadkii tegay ee 2016 aan aad ugu farxay inay siyaasada ku soo biiraan”ayuu yiri mar kale yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

” Marxuumka, wuxuu astaan u ahaa soo kabashada Soomaaliyada cusub. Aad iyo aad baan u aaminsanahay in dhallinyaradu tahay dadka kaliya ee soo celin kara midnimada iyo Qarannimada ummada Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan ka qeyb galka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirkaan ayaa waxaa xalay toogtay Ilaalada gaarka ah ee Hanti dhawraha qaranka kadib markii ay ka shakiyeen gaariga sida la sheegay, wuxuuna wasiirka saarnaa gawaarida raaxada.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET