Keating oo deyr ka keenay qaabka loo fashilinaayo doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michel Keating, oo kulan gaara la qaatay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in DFS aysan u diyaarsaneyn qabashada doorashada dalka.

Michel Keating, waxa uu sheegay in Madaxda DFS uu dhowr jeer kala hadlay qabashada doorashada hayeeshee uu iminka xaqiijinaayo in DF aysan u nugleen doorasho wakhtigeeda dhacda.

Waxa uu Mr Michel Keating sheegay in mar waliba ay Madaxdu la galaan Axdi ku aadan xiliga doorashada, Hayeeshee aysan tixgalin ballanta iyo Axdiga.

Michel Keating, waxa uu sidoo kale sheegay in cabsida ugu badan ay tahay mid ka heysata dhanka qabsoomid la’aanta doorashada waxa uuna ka digay in DF ay dhaqan galin weyso Axdiga ay wada galeen.

”Waa arrin nasiib darro ah in Madaxdii ugu sareysay ay noqdaan kuwo aan haba yaraatee laheyn ballan, waxaan ka digeynaa din u dhac mar kale ku imaada doorashada”

”Ma aqbali doono in doorashada laga dhigo mid marmarsiyo aan ka dhamaan, waayo anagu waxaan Somalia u joognaa inaanu hagaajino nidaamka waa inaan tixgalin ku helnaa howsheena”

Michel Keating, waxa uu intaa raaciyay hadlkiisa in DFS ay kula xisaabtami doonaan haddii ay dhacdo dib u dhac kale.

Guddiga Doorashooyinka ayuu sheegay inay dafirayaan waxyaabo badan oo khaladaad ah, waxa uuna dhankooda uga digay inay qariyaan dhibta ay kala kulmayaan dhanka DF iyo maamulada.

Dhinaca kale, waxa uu Musharaxiinta kaga digay inay qaadan talaabooyin arbushi kara xasiloonida Somalia, oo iminka ah mid cago jilicsan ku taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com