Dagaalka ka socda Galgaduud oo leysu adeegsanaayo Hubka culus

Cadaado (Caasimada Online)-Dagaal culus ayaa waxa uu iminka ka socdaa duleedka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud kaasi oo leysu adeegsanaayo Hubka culus.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu imaaday kadib markii Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Maamulka Galmudug ay weerareen Maleeshiyo Banaanka deegaanka Godinlabe ku sugnaa oo lagu eedeeyay inay dhigtaan jid gooyooyin.

Kooxda la weeraray ayaa la sheegayaa inay kamid ahaayen Burcad-Badeeda kuwaasi oo deegaankaasi ka dhigtay fariisimo ay ku qaatan lacago leejo ah.

Warar ayaa sheegaya in Maleeshiyada la weeraray ay Garab ka heleen Ciidamada maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.

Dhinacyada ayaana is weedaarsanaya Rasaasta Fud Fudud iyo Hubka aadka u cul clus , iyadoona weli uu halkaas ka soconayo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada @live.com