XOG: Xasan Sheekh oo wada qorsho uu heshiis qarsoodi ah kula galaayo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Heshiis la furo Ergada ku howlan diyaarinta Xildhibaanada cusub ee BFS.

Madaxweynaha ayaa Heshiiskaani la furi doona Ergada kuwooda ay ka go’do talada beelaha, isagoo ka dalban doona in Xildhibaanadooda ay siiyaan codka.

Madxaweyne Xassan ayaa iminka kulamo hordhac ah la qaatay Guddi uu u xilsaaray isku geynta kuwa ugu macquulsan Ergada, waxa uuna ku cadaadiyay in inta badan Ergada la tashkiiliyo.

Madaxweyne Xassan ayaa Ergadaani la kulankooda kadib kulamo kale oo madax-banaan la qaadan doona Nabadoonada liijaanka u haya Ergada iyo Xildhibaanada BFS ee imaan doona.

Madaxweyne Xassan ayaa xooga saaraya in Beel waliba uu ka helo ilaa laba cod, halka beelaha yar yarna uu ku dadaalaayo inay siiyaan codadka halka Xildhibaan ay ku leeyihiin BF.

Qorshahaani Xassan Sheekh ayaa waxaa gadaal ka riixaya mas’uuliyiin dhowr ah oo kasoo kala jeeda Beelo kala duwan kuwaasi oo sahlaaya in Xassan Sheekh loo fududeeyo codadka marka laga soo tago Guddiga uu u xilsaartay arrintaani.

Ma cadda in Xassan Sheekh uu caqabado kala kulmi doono arrintaani iyo in kale walow ay jiraan Xubno kale oo kasoo horjeeda Xassan kuwaasi oo ka shaqeynaaya kala furfurka howlaha Xassan si aanu horay ugu gudbin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com