Ahlu sunna oo sheegtay in Galmudug ka qabsatay askar & degmada Godinlabe

Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Godinlabe kaasi oo sababay in ciidamada Ahlu sunna la wareegaan deegaanka.

Afhayeenka maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa sheegay in ciidamadooda ay qabsadeen deegaanka ayna gacanta ku dhigeen askar ka tirsan ciidamada Galmudug.

Afhayeenka maamulka Ahlusunna Mursal Xeefoow ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay ka qabteen maxaabiis , islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramaya in ay dib uga soo baxeen magaalada , islamarkaana ay joogaan meel ku dhow deegaanka Godinlabe.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa doonaayay in ay qaadaan isbaarooyinka yaalla duleedka deegaanka Godinlabe.

Maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigtay ayaa lagu soo waramaya in dadka ay qaadaan lacag aad u farabadan ,islamarkaana cabashooyin badan ay ka timid dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com