Keating oo madaxda DF uga digay inay ku mashquulan 2 arrin oo ay ku weyn karaan kalsoonida

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Miichael Keating ayaa ka hadlay guulaha ay dowlada Somalia ka gaareyso dhanka Siyaasada iyo Amniga.

Miichael Keating, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay heer wanaagsan ka gaartay Siyaasada oo markii hore aheyd mid aan ku taagneyn caga wanaagsan.

Waxa uu tilmaamay in horumarka dhanka Siyaasada ay hoos u dhac ku imaankarto keliya xiliga la maareyn waayo dastuurka dalka oo kala saaraayo waxyaabaha khaldan iyo kuwa saxan.

Waxa uu sheegay in guulo la taabankaro laga gaaray Amniga, balse waxa uu cadeeyay in maalmihii danbe ay muuqaneysay amni darro uu ku sifeeyay mid u muuqata arbushaad.

”Amni darro waxaa ugu danbeysay markii la doortay dowlada cusub, waxaa hadda socda dilal yaryar oo aan is leenahay waa mid lagu arbushaayo dowlada”

Miichael Keating waxa uu dowlada Federaalka uga digay inay ku dhiiradan laba arrin oo uu sheegay inay u keeni karto kalsooni darro kaga imaada dhanka shacabka waxa ayna kala yihiin:

1-Khilaaf siyaasadeed salka ku hay is guruubeysi iyo in Siyaasada loo rogo mid xarako iyo Xisbiyo.

2-In lagu mashquulo Khilaafyada dowlada Dhexe iyo Maamulada, iyadoo la dayacaayo amniga iyo xasiloonida magaalada Muqdisho ka hor inta aan la gaarin Gobolada dalka.

Miichael Keating, ayaa soo hadalqaaday khilaaf Siyaasadeedka dowlada Federaalka kala dhexeeya maamulka Galmudug, waxa uuna ku taliyay in la qaboojiyo khilaafka iyadoo la eegaayo rajada shacabka.

Waxa uu cadeeyay in waxyaabaha hadda socda ay dowlada Somalia kala kulmi karto kalsooni darro kaga imaankarta shacabka.

”Waxaan ku talineynaa in la qaboojiyo xiisada Galmudug, waayo waxaa inoo muuqaneysa in xiida taagan ay dib u dhigeyso qorshihii laga lahaa Somalia oo Hormartay”

Sidoo kale, Miichael Keating ayaa tibaaxay inay aaminsan yihiin in dhibaatooyinka ugu badan ee Somalia heysta ay sabab u yihiin xisb Siyaasadeedka iyo Khilaafyada dowlada kala dhexeeya maamulada.

Dhinaca kale, Miichael Keating ayaa ka digay in lagu sii fogaado Khilaafyada dowlada kala dhexeeya maamul Goboleedyada qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com