Keating oo war kasoo saaray heshiiskii DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michal Keating, ayaa ka hadlay rajada ay ka qabaan in la dhaqan galiyo heshiiskii 05 Nov 2017 dhexmaray Madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada ka jira dalka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Danjire Michal Keating, waxa uu sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday.

Michal Keating, oo saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay inay qabaan rajo aad u weyn, waxa uuna cadeeyay inuu jiro farqi kala geynaaya dowlada hadda jirta iyo tii hore ee dhacday.

Waxa uu Michal Keating tilmaamay in dowlada hadda jirta ay heysato fursado ay ku dhaqan galinkarto qodobada ay la saxiixatay maamulada, halka dowladii hore ay ku furnaayen kacdoono siyaasadeed.

”Waxaan qireynaa in dowlada Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado badan oo aysan heysan dowladii hore, farqiga u dhexeeya ayaa ah in dowladaan jirta ay heysato taageero shacab oo ka difaaci kara kacdoon siyaasadeed”.

”Sidaa aawgeed waxaan ku rajo weynahay in dowlada hadda jirta ay sideeda u dhaqan galiso heshiisyada jira si ay Somalia uga hanaqaado halka ay taagan tahay”

Waxa uu Michal Keating carab dhabay inay filayaan in dowlada hadda jirta ay ka fursado badnaan doonto tii hore, balse ay ka rajeynayaan inay ka dhabeyso himiladeeda dhanka siyaasada iyo horumarka.

Sidoo kale, Keating ayaa xusay in Somalia ay cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Dhinaca kale, Keating ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaha qaaliga ah ee horyaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com