Kenya Airways oo wajaheysa culeys weyn – Maxaa dhici doona maanta oo Sabti ah?

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa wajaheysa culeys weyn kadib markii ay duuliyeyaasha shirkadda ay ku dhawaaqeen inay shaqo joojin sameyn doonaan maalinta Sabtida ah.

Ururka Duuliyayaasha Diyaaradaha ee Kenya Airline (KALPA) ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in shaqaalahooda aysan Sabtida maanta ah kasoo xaadiri doonin garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, taasi oo isbedel ku keeni karta duulimaadyada qorsheysan.

Tallaabadan ayaa imaneysa maalmo kaddib markii uu dhammaaday ogaysiis shaqo joojin ah oo laba toddobaad ah oo ay soo saareen ururka duuliyayaasha, kuwaasi oo dalbanaya in shirkaddu dib u bilowdo wax ku biirinta sanduuqa lacagta la siiyo dadka hawl-gabka ah.

Ma aha markii u horeysay ee ururka duuliyayaasha uu ku dhawaaqo shaqo joojin, waxaan sidan oo kale kal hore dhacday in shaqo joojin uu ku dhawaaqay ay saameyn weyn ku yeelatay duulimaadyadii shirkada Kenya Airways.

Shirkadaan ayaa waxay door wayn ku leedahay isku socodka Afrika gudaheeda waxayna rakaab badan u fududaysa socdaallada ay ku tagaan meelo badan oo Afrika ah.