25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Kenya: “Farmaajo waxa uu kalsooni ka muujiyey in hab labada ay ku wada qanci karaan lagu xaliyo kiiska ICJ

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteed twitter-ka kadib kulanka ku sheegtay in Farmaajo uu Kenya u sheegay “inuu ku kalsoon yahay in kiiska maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.”

Sidoo kale, qoraal lasoo dhigay bogga madaxtooyada Kenya ee facebook ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo muujiyey inuu kalsoon yahay in “muranka badda ee u dhaxeeya labada dal oo hadda hor-yaalla maxkamadda ICJ lagu xalin doono hab ay labada dal ku wada qanci karaan.”

Farqiga labada qoraal ee madaxtooyada Kenya iyo wasiirka arrimaha dibedda u dhaxeeyey ayaa ah kaliya in madaxtooyada tiri muranka-badda, halka Juma ay tiri kiiska ICJ, oo isku macno un ku dhamaanaya.

Labada qoraalba laguma bixin wax faah-faahin oo ku saabsan waxa loola jeedo hab lagu wadi qanci karo, hase yeeshee Kenya ayaa muddo olole ugu jirtay in la gaaro xal labada dalba ay ku wada farxi karaan, oo ka baxsan maxkamadda.

Kiiska maxkamadda ICJ ma noqon karo mid ay ku wada qancaan labada dal, sidaas darteed waxay u eg tahay inay jiraan arrimo kale oo aan weli sharaxaad laga bixin.

Waxay sidoo kale sheegtay in la isku afgartay in kiiska ICJ uusan saameyn ku yeelan xiriirka labada dal.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay isku raaceen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dhinac, islamarkaana la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho.

Villa Somalia ayaa sidoo kale sheegtay in la isla gartay in masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas.

Qoraalka Villa Somalia laguma soo darin warka ay Kenya ku sheegtay in madaxweyne Farmaajo sheegay in kiiska ICJ lagu qancinayo hab ay labada dal ku wada qanci karaan.

Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News