Kenya oo ceeb & bah-dil dhex fadhida: Sawirro: Kooxdii West Gate oo dhuun hoose ku baxsaday iyo xog cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Miyey kuwii ka dambeeyey weerarkii West Gate baxsadeen saacad un kadib markii ay billaabeen weerarka? Miyey kuwii kale ee haray ayaguna markii ay laayeen dad badan si hoose uga dhex siibteen goobta, ayada oo aanay ciidamada ammaanka ogaan?

Xagee ayey ku dambeysay xaaladda dadkii la sheegay in goobta lagu heystay? Maxaa sababay burburkii West Gate, ma ciidanka ayaa bom gareeyey, yaase bililiqeystay goobta?

Kuwaasi waxa ay ka mid yihiin su’aalaha adag ee dadka Kenya ay jawaabaha u raadinayaan, xilli ilo-wareedyo dhinaca amniga ah ay shaaca ka qaadaayaan arrimo dowladda ay isku dayeyso inay qariso.

Ilo-wareedyo dhowr ah oo ay ku jiraan saraakiil booliis, ayaa xaqiijiyey in kooxdii ugu horeysay ee weerarka qaadday ay saacad gudaheed ku baxsadeen.

Qaar ayaa waxaa la sheegay inay dharka bedesheen iskuna dareen shacabkii argagaxsanaa. Dowladda ayaa si joogto ah u beenineysay in cid ka mid ah kuwii weerarka ka dambeeyey ay baxsadeen, laakiin caddeymaha soo baxaya waa kuwa aan la qarin karin.

Sidoo kale, dagaal yahannada kale ee ku haray goobta ayaan tiradooda la ogeyn illaa iyo hadda, taaasi oo keeneysay su’aal ku saabsan tirada rasmiga ah ee fulisay weerarka.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph ole Lenku, waxa uu sheegay in kooxdii qaaday weerarka West Gate ay ahaayeen qiyaastii 10 illaa 15, ayna afduub ahaan u heysteen 30 qof.

Waxa uu goor dambe sheegay in shan ka mid ah la dilay, balse illaa iyo hadda kama hadlin halkii ay geeyeen meydadkooda iyo aqoonsigooda, taasi oo sheegashooyinkiisa mugdi gelisay. Waxaan sidoo kale caddeyn halkii ay ka baxeen 10-kii kale ee soo haray, haddii loo raaco tirada 15-ka ah ee uu sheegay.

Sidoo kale lama yaqaan halkii ay ku dambeeyeen 30-ka qof ee la sheegay in raggii weerarka qaaday ay haysteen.

Faah-faahinno cusub oo kasoo baxay qaabkii ay u baxsadeen kuwii soo haray ayaa arrinta sii murjinaya.

Saraakiil amni, ayaa wargeyska Sunday Nation u sheegay in dagaal yahanada weerarka qaaday ay ku baxsadeen dhuun biyaha wasaqda ah qaada oo dhulka hoostiisa marta, kana baxda meel West Gate u jirta 100 mitir.

“Dhuunta hoose waa ay ku filan tahay in qof uu ugu socdo si xarago leh” ayuu yiri sarkaal la hdlay Sunday Nation.

Waxaa sidoo kale been u muuqday hadalkii hore ee Lenku ee ahaa in haweeney British ah oo magaceeda la yiraahda Samatha Lewthwaite, laguna naaneeso “Carmalada Cad”, ay weerarka ku lug lahayd.

Si kasta oo ay ahaataba, waxaa muuqda in dowladda Kenya ay qarineyso wax badan oo xaqiiq ah, balse weerarkii West Gate uu fadeexad dhaliyey, islamarkaana bah dilaya awoodda dowladeed ee Kenya.

tune 1tune 2

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com