28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Kenya oo diiday furitaanka xafiiska Somaliland ee Nairobi, soo saartay qoraal bahdil ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u hor istaagtay qorshaha furitaanka xafiis ay Somaliland ku yeelan lahayd magaalada Nairobi, iyadoo si cad u muujisay in aysan aqoonsanayn madax-bannaanida maamulkaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed diblomaasiyadeed oo si adag loo dhigay.

Go’aankan ayaa yimid saacado uun kadib, markii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu Axaddii soo gaaray magaalada Nairobi, booqasho rasmi ah oo lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Kenya u dirtay Xafiiska Xiriirka Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan wax oggolaansho ah u siin munaasabad la qorsheeyay in la qabto Talaadada, 27-ka May 2025. Warqadda ayaa sidoo kale caddaysay in Kenya aysan aqoonsan wax heer diblomaasiyadeed ah oo la xiriira xafiiskaasi.

“Maadaama aan munaasabadda la qorsheeyay ee 27-ka May 2025 oggolaansho rasmi ah laga haysan Wasaaraddan, isku dayga in xafiiskan loo aqoonsado xafiis diblomaasiyadeed ma laha sharciyad dowladeed oo Kenya ay aqbali karto, waana in aan la oggolaanin in ay qabsoonto,” ayaa lagu yiri warqadda Wasaaradda.

Go’aanka Kenya ayaa ka dhigay in munaasabadii furitaanka xafiiskaas meesha laga saaray, taas oo reer Somaliland ay qorsheeyeen 27-ka ay ku qabtaan Nairobi.

Kenya ayaa sidoo kale si cad u sheegtay in ay “sii adkeyneyso kuna celinayso ixtiraamkeeda joogtada ah ee ku wajahan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” iyadoo xustay in ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in Kenya ay la shaqeyso maamul-goboleedyada gobolka, oo ay ku jirto Somaliland, balse waxa la carrabaabay in wada-shaqeyntaasi ku kooban tahay kor u qaadista nabadda, ganacsiga, iyo horumarka guud ee Geeska Afrika.

“Dowladda Kenya, iyadoo sii wadeysa wada-hadallada ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay diyaar u tahay in ay taageerto dadaallada lagu horumarinayo iskaashi iyo wada-shaqeyn labada dhinacba dan u ah,” ayaa lagu daray bayaanka.

Booqashada Cirro ee Nairobi

War-saxaafadeedkan ayaa soo baxay saacado uun kadib markii Madaxtooyada Somaliland ay baraha bulshada ku shaacisay in Madaxweyne Cirro uu soo gaaray magaalada Nairobi, booqasho ay ku tilmaantay mid “diblomaasiyadeed oo istaraatiiji ah.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, halkaas oo uu ku qaabilay Wasiirka Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah, iyo Arrimaha Badda ee Kenya, Xasan Cali Joho, ka dibna loo galbiyay hoygiisa ku yaalla caasimadda.

“Si muujinaysa waddaniyad iyo midnimo, xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Kenya ayaa isugu yimid si ay si diirran u soo dhaweeyaan Madaxweynaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Madaxtooyada, iyadoo lagu daray in booqashadu tahay “mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, lagu kobcinayo iskaashiga gobolka, isla markaana lagu horumarinayo doorka Somaliland ee masraxa caalamiga ah.”

In kasta oo socdaalka Madaxweyne Cirro uu muujinayo dadaalka Somaliland ay ugu jirto in ay ballaariso xiriirrada caalamiga ah, haddana jawaabta diblomaasiyadeed ee Kenya ayaa si cad u muujisay in siyaasaddeeda arrintan ku aaddan ay tahay mid aan isbeddelin: wada-shaqeyn aan ahayn aqoonsi rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa warqaddeeda ku soo gunaanaday iyadoo u muujisay xushmad diblomaasiyadeed Xafiiska Somaliland, balse si adag u caddeysay in tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed ah looga baahan yahay oggolaansho rasmi ah si loo fuliyo.

Somaliland, oo ah maamul iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991 ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, weli ma helin wax aqoonsi caalami ah.

Inkasta oo ay xafiisyo xiriir ku leedahay caasimado kala duwan iyo in ay maamusho dhulkeeda, haddana beesha caalamka oo ay Kenya ku jirto, waxay wali Somaliland u arkaan qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News