KENYA oo fasaxday xawaaladaha SOOMAALIDA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa maanta si rasmi ah u fasaxday dhamaan shirkadaha Xawaaladaha ee ka shaqeynayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cabdi Kariin Sabriye Maalin, Gudoomiyaha shirkaadaha xawaaladaha  oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney maanta dib u bilaabeen shaqada ay dadweynaha u hayeen.

Mr Maalin, ayaa sheegay iney ka xun yihiin hakadkii ku yimid muddadii labada bil ee xariyaraada ay kusoo rogtay dowlada Kenya oo amarkaan soo saartay kadib weerarkii jaamacada Gaarisa.

Warqada Fasaxaada ah oo lagu cadeynayay iney shaqeyn karaan ayuu sheegay in maanta ay ka heleen dowlada dhexe ee dalka Kenya, iyagoo sidoo kale raali gelin ka helay dowlada, sida uu sheegay Maalin.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dalka Kenya iney la socdaan dib u furitaan dhamaan 13 ka xawaaladood ee dhawaan xayiraada lagu soo rogay.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com