28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Kenya oo guul ka sheegatay dagaal ay la gashay Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Garissa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaan cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG) ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay aagga magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Kenya ayaa guul wayn ka sheegatay howlgalkan, waxayna shaacisay inay ku fashilsay weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay qorsheeyeen inay ka fuliyaan deegaan u dhexeeya Welmerer iyo Yumbis ee magaalada Garissa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada (NCTC) ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay xog ka heleen dadka deegaanka, oo kusoo wargeliyay in ay arkeen dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyay, oo ay ku lug lahaayeen 8 dagaalyahan oo ku hawlanaa diyaarinta qaraxyada la dhigo waddooyinka.

Intaas kadib ciidamada ayaa deg-deg uga howlgalay goobta, waxayna beegsadeen halka ay joogeen xubnaha Al-Shabaab, iyaga oo la galay dagaal kooban, kadibna ka adkaaday.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay walxo qarxo oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay u adeegsadeen weerarkooda, balse la fashiliyay.

Sidoo kale ciidamada ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka ee xogta soo gudbiyay, taas oo suuragelisay inay ka hortagaan weeraro ay maleegayeen xubnaha Al-Shabaab.

“Ciidanka SOG waxay uga mahadcelinayaan bulshada deegaanka wada-shaqeynta wanaagsan, waxayna ku boorinayaan inay sii wadaan feejignaanta si loo joojiyo qorshayaasha argagixisada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sidoo kale shacabka deegaanka ku amaanay sida ay uga feejigan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah ku tega halkaasi.

Inta badan kooxda ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa gobolka, waxayna beegsataa ciidamada iyo dadka safarreyda ah ee isaga kala gooshayo deegaannada dhaca xadka Somalia iyo Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News