Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa dalka Kenya dib uga bilowday ololaha doorashada Madaxtinimo kadib markii Maxkamadda Sare ee dalkaasi ay diiday natiijada doorrashii bishii hore.
Go’aanka Maxkamadda Sare oo ahaa mid aan la fileyn, ayaa amray in muddo 660 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho labaad oo ay ku wada tartami doonaan musharixiinta Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ahaa kuwii ku loolamayay codadka ugu badan ee doorashadii la qabtay 8dii Agoosto.
Ololaha dib u bilowday ayaa waxaa xoogiisa wada Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta, waxaana soo labeeya Raila Odinga oo isagu ka danbeeyay sababta dib loogu laabtay doorashada.
Ololaha Kenyatta ayaa hadda ka socda deegaanada ka baxsan caasimada, gaar ahaan Nakuru iyo Thika oo ah meelo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha xisbigiisa Jubilee.
Sidoo kale, ololaha musharaxa isbahaysiga mucaaradka NASA, Raila Odinga ayaa isaguna ka bilaabay degmada Mthare ee isku raranka ah ee ku taalla magaalada Nairobi.
Geesta kale, musharaxiinta uu ololaha u dhexeeyo ayaa hawada isku marinaaya eedeymo kala duwan, waxaana suuragal ah in is dhaafsiga hadaladaasi ay dhaliyaan dhibaatooyin gacan amni darro.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]